Saddexda xildhibaan ee kasoo jeeda degmada BuurHakaba ee ka tirsan BFS ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah, iyaga oo si adag u cambaareeyay xayiraadda iyo cunaqabateynta uu ku soo rogay Guddoomiyaha Koonfur Galbeed, C/casiis Laftagareen, degmada BuurHakaba.
Xildhibaannadu waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo qaado xayiraadda, maadaama ay degmada ka jirto xaalad bani’aadamnimo oo ay ka mid yihiin abaaro iyo baahiyo kale oo degdeg ah
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku booriyay hay’adaha dowladda Federaalka, hay’adaha samafalka, iyo beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda degdegga ah ee degmada BuurHakaba, si looga hortago musiibo dheeraad ah.
“Waxaan ka walaacsanahay saameynta xayiraadda ee ku aaddan shacabka, gaar ahaan kuwa nugul ee u baahan gargaar degdeg ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Xildhibaannadu waxay ku adkeysteen muhiimadda ah in la joojiyo xayiraadda isla markaana loo oggolaado hay’adaha samafalka inay gaarsiiyaan gargaar bini’aadamnimo oo degdeg ah bulshada degmada BuurHakaba



