Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubaland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jubaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa xarunta Madaxtooyada Jubaland ku qaabilay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo wafdiga ay ka mid ahaayeen madax sare oo ka tirsan Hay’adda UNICEF.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirrada Caafimaadka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Haweenka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka.
Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay xoojinta mashaariicda gargaarka bani’aadantinimo, caafimaadka, waxbarashada, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo taageerada bulshada nugul, iyadoo sidoo kale la isla eegay sidii loo dardargelin lahaa adeegyada muhiimka ah ee bulshada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubaland ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladda guud ee deegaanada Jubaland iyo baahiyaha bulshada, waxaana labada dhinac ay isku afgarteen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada loo fidinayo shacabka Jubaland.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda iskaashiga Jubaland iyo hay’adaha caalamiga ah ee bah-wadaagta la ah, si loo horumariyo adeegyada aasaasiga ah loona gaaro bulshada nugul iyo dadka ay saameeyeen xaaladaha bani’aadantinimo iyo isbeddelka cimilada

