Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
- Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca iyo Amniga
- Shirweynaha Degmooyinka Koonfur Galbeed oo Sabtida ka Furmaya Baydhabo
- DEG DEG: Khilaaf Siyaasadeed oo Soo Kala Dhexgalay Xukuumadda iyo Golaha Shacabka
- Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha KGS Oo Bulshada Baydhabo Uga Digtay Khataraha Roobabka Iyo Fatahaadaha
- Taliyihii Hore Ciidanka Birmadka Koonfur Galbeed Iyo Malaaqa Guud Ee Beesha Eelaay Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho
- DEG DEG: Wasaaradda Beeraha KGS oo ka hortimid warqad ka soo baxday Wasaaradda Beeraha Soomaaliya
- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka Oo Qaybgalay Kulunka Qaramada Midoobay iyo Ajandaha Miiska U Saaran
- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubaland oo Qaabilay Safiirka Sweden iyo Madax ka Tirsan UNICEF
Author: admin
Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hay’adaha dowladda federaalka ayaa soo shaac baxay, kaddib markii Golaha Shacabka uu maanta ka hor yimid go’aan kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre oo ku saabsanaa dib-u-habaynta iyo habka loo buuxinayo xilalka Agaasime-waaxeedyada wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.Xildhibaannada Golaha Shacabka oo kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa laalay go’aankaasi, iyagoo ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga, sida lagu soo warramay. Go’aanka Golaha ayaa yimid maalmo kaddib markii Ra’iisul Wasaare Xamsa uu faray wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda in xilalka Agaasime-waaxeedyada lagu buuxiyo hannaan tartan furan oo lagu saleeyo karti, aqoon, khibrad iyo mudnaan.Ra’iisul Wasaaraha…
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maalintii saddexaad ee ololaha wacyigelinta bulshada ee ku aaddan diyaar garowga iyo ka hortagga saameynta El Niño. Ololaha wacyigelinta oo looga gol leeyahay in bulshada lagu baraarujiyo khataraha ka dhalan kara roobabka iyo fatahaadaha, ayaa maanta lagu qabtay Kaamka Tuugsooy ee magaalada Baydhabo. Intii ay booqashada ku jireen, wafdiga Wasaaradda ayaa bulshada kaamka la wadaagay fariimo wacyigelin ah oo ku saabsan diyaar garowga, qaadashada tallaabooyinka hore iyo yareynta saameynta El Niño. Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa dadaallada wacyigelinta bulshada, iyadoo mudnaanta la siinayo dadka nugul iyo qoysaska ku nool xeryaha…
Taliye Maxamed Xasan Sandheere ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan wada-tashi ah kula qaatay Malaaqa Guud ee Beesha Eelaay, Malaaq Sheekh Musdaf, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo isugu jiray siyaasiyiin, waxgarad iyo saraakiil.Kulanka waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Axmed Cali Nuur [AC], Xildhibaan Liibaan Midnimo, Malaaq Cabdi Naasir, Siyaasi Siidi Arlaadi iyo xubno kale oo ka tirsan Beesha Eelaay.Shirkan ayaa ahaa mid looga gol lahaa is-xogwareysi iyo wada-tashi ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo arrimaha ka taagan deegaanada Koonfur Galbeed, xilli Taliye Sandheere uu dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.Kulanka oo ahaa mid albaabadu u xirnaayeen, muddo dheerna…
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hortimid warqad ay sheegtay inay ka soo baxday Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo la xiriirtay hantida Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Koonfur Galbeed ee ku taalla Gobolka Shabeellaha Hoose.Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Koonfur Galbeed, Zakariye Fante, ayaa sheegay in tallaabada Wasaaradda Federaalka aysan waafaqsanayn nidaamka federaalka iyo awoodaha hay’adaha dowlad-goboleedyada.Waxa uu sheegay in Koonfur Galbeed ay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ay wakiil ugu tahay deegaanada Konfur galbeed.“Dalku waa federaal, Dowladda Koonfur Galbeed waxaa u wakiil ah Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka KGS oo aan…
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qaybgalay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha ayaa madasha Qaramada Midoobay ku soo bandhigaya horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlaya mudnaanta Soomaaliya iyo dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah. Ka qaybgalka Madaxweynaha ee shirkan ayaa fursad u ah Soomaaliya inay bulshada caalamka la wadaagto xaaladda dalka, horumarka la sameeyay iyo qorshayaasha dowladda ee ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubaland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jubaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa xarunta Madaxtooyada Jubaland ku qaabilay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo wafdiga ay ka mid ahaayeen madax sare oo ka tirsan Hay’adda UNICEF.Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirrada Caafimaadka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Haweenka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka.Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay xoojinta mashaariicda gargaarka bani’aadantinimo, caafimaadka, waxbarashada, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo taageerada bulshada nugul, iyadoo sidoo kale la isla eegay sidii loo dardargelin lahaa…
Madaxweynaha Masar oo kulan la qaatay madaxa Hay’adda Sirdoonka Dibadda Maraykanka ee CIA ayaa si cad ugu sheegay in dowladda Masar ay qaas ah u diidan tahay in lagu xadgubo madaxbanaani dhuleed iyo xuduudeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida algu daabacay bogga rasmiga ah ee madaxtooyada dowladda Masar. Kulanka oo labada dhinac isku soo hadal qaadeen arrimo dhowr ah ayaa sidoo kale dowladda Masar cadeysay “inay si buuxda u garab taagan tahay, una taagereyso dadaal kasta oo lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya”. Madaxa CIA-da, John Ratcliffe oo sida lagu daabacay bogga madaxtooyada Masar hadlay inta kulankaan socday…
Saddexda xildhibaan ee kasoo jeeda degmada BuurHakaba ee ka tirsan BFS ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah, iyaga oo si adag u cambaareeyay xayiraadda iyo cunaqabateynta uu ku soo rogay Guddoomiyaha Koonfur Galbeed, C/casiis Laftagareen, degmada BuurHakaba. Xildhibaannadu waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo qaado xayiraadda, maadaama ay degmada ka jirto xaalad bani’aadamnimo oo ay ka mid yihiin abaaro iyo baahiyo kale oo degdeg ah War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku booriyay hay’adaha dowladda Federaalka, hay’adaha samafalka, iyo beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda degdegga ah ee degmada BuurHakaba, si looga hortago musiibo dheeraad ah. “Waxaan…
Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya. War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una diiday aqoonsiga halka dhinac ah ee Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Somaliland, Midowga Afrika ayaa mar kale adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa sidoo kale taageeray bayaankii uu 26-kii Diseembar 2025 soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo si cad u diiday tallaabo kasta ama hindise kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland. Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay in…
Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun kama dambeys ah ka soo saartay kiiska laba nin oo loo heystay falal dilal iyo qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo sanadkii 2025. Eedeysanayaasha kala ah Maxamed Aadan Abuukar oo loo yaqaan Xeydar Muqtaar iyo Maxamed Qadar Cali Aadan ayaa lagu helay dambiyo la xiriira falal argagixiso, kadib baaritaanno dheer oo uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida. Horey, Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 4-tii Diseembar 2025 ku xukuntay Maxamed Aadan Abuukar 15 sano oo xabsi ah, halka Maxamed Qadar…
