Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maalintii saddexaad ee ololaha wacyigelinta bulshada ee ku aaddan diyaar garowga iyo ka hortagga saameynta El Niño.
Ololaha wacyigelinta oo looga gol leeyahay in bulshada lagu baraarujiyo khataraha ka dhalan kara roobabka iyo fatahaadaha, ayaa maanta lagu qabtay Kaamka Tuugsooy ee magaalada Baydhabo.
Intii ay booqashada ku jireen, wafdiga Wasaaradda ayaa bulshada kaamka la wadaagay fariimo wacyigelin ah oo ku saabsan diyaar garowga, qaadashada tallaabooyinka hore iyo yareynta saameynta El Niño.
Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa dadaallada wacyigelinta bulshada, iyadoo mudnaanta la siinayo dadka nugul iyo qoysaska ku nool xeryaha barakacayaasha, si loo xoojiyo fahamka bulshada iyo u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah ee la xiriira El Niño


