Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qaybgalay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa madasha Qaramada Midoobay ku soo bandhigaya horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlaya mudnaanta Soomaaliya iyo dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.
Ka qaybgalka Madaxweynaha ee shirkan ayaa fursad u ah Soomaaliya inay bulshada caalamka la wadaagto xaaladda dalka, horumarka la sameeyay iyo qorshayaasha dowladda ee ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya.

