Author: Nation Tv

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamada Talyaaniga, oo uu wehliyo Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi.Wafdiga Talyaaniga waxaa hoggaaminayay Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Talyaaniga, S/Guud Giovanni Maria Iannucci. Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.Wasiirka Axmed Macallin Fiqi ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dal, halka wafdiga Talyaaniga ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay sii wadista wada-shaqeynta iyo taageerada ay Talyaanigu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada…

Read More

Shir ay isugu imaanayaan guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Sabtida ka furmaya magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Bay, iyadoo hoggaanka Koonfur Galbeed uu wada dadaallo lagu xoojinayo wada-shaqeynta maamullada iyo mideynta bulshada iyo siyaasiyiinta maamulka.Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed faray inuu isugu yeero dhammaan guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka maamulka. Sida ay ogaatay Nation TV, shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladaha ka jira Koonfur Galbeed, caqabadaha maamulka iyo bulshada, iyo sidii loo yeelan lahaa ajandayaal wax-ku-ool ah oo lagu mideeyo dadaallada horumarineed iyo kuwa amni.Dhanka…

Read More