Madaxweynaha Masar oo kulan la qaatay madaxa Hay’adda Sirdoonka Dibadda Maraykanka ee CIA ayaa si cad ugu sheegay in dowladda Masar ay qaas ah u diidan tahay in lagu xadgubo madaxbanaani dhuleed iyo xuduudeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida algu daabacay bogga rasmiga ah ee madaxtooyada dowladda Masar.
Kulanka oo labada dhinac isku soo hadal qaadeen arrimo dhowr ah ayaa sidoo kale dowladda Masar cadeysay “inay si buuxda u garab taagan tahay, una taagereyso dadaal kasta oo lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya”.
Madaxa CIA-da, John Ratcliffe oo sida lagu daabacay bogga madaxtooyada Masar hadlay inta kulankaan socday ayaa isna sheegay “in dalkiisu uga mahadnaqayo Masar kaalinta amni iyo xasilooni ee ay ku leedahay qaaradda Afrika”.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay isku-dubbaridka iyo wadatashiga joogtada ah ee u dhexeeya hay’adaha wadamada ay khuseyso ee Masar iyo Mareykanka, gaar ahaan marka la eego xiisadda Suudaan, xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrikaba, iyo amniga badda ee caalamiga ah, sida lagu daabacay

bagga madaxtooyada.
xigasho BBC SOMALI

