Author: admin

Saddexda xildhibaan ee kasoo jeeda degmada BuurHakaba ee ka tirsan BFS ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah, iyaga oo si adag u cambaareeyay xayiraadda iyo cunaqabateynta uu ku soo rogay Guddoomiyaha Koonfur Galbeed, C/casiis Laftagareen, degmada BuurHakaba. Xildhibaannadu waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo qaado xayiraadda, maadaama ay degmada ka jirto xaalad bani’aadamnimo oo ay ka mid yihiin abaaro iyo baahiyo kale oo degdeg ah War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku booriyay hay’adaha dowladda Federaalka, hay’adaha samafalka, iyo beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda degdegga ah ee degmada BuurHakaba, si looga hortago musiibo dheeraad ah. “Waxaan…

Read More

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya. War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una diiday aqoonsiga halka dhinac ah ee Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Somaliland, Midowga Afrika ayaa mar kale adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa sidoo kale taageeray bayaankii uu 26-kii Diseembar 2025 soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo si cad u diiday tallaabo kasta ama hindise kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland. Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay in…

Read More

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun kama dambeys ah ka soo saartay kiiska laba nin oo loo heystay falal dilal iyo qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo sanadkii 2025. Eedeysanayaasha kala ah Maxamed Aadan Abuukar oo loo yaqaan Xeydar Muqtaar iyo Maxamed Qadar Cali Aadan ayaa lagu helay dambiyo la xiriira falal argagixiso, kadib baaritaanno dheer oo uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida. Horey, Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 4-tii Diseembar 2025 ku xukuntay Maxamed Aadan Abuukar 15 sano oo xabsi ah, halka Maxamed Qadar…

Read More

Diyaarad kuwa rayidka ah ayaa waxaa ay ku dhacday garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayal ah. Maareyaha hay’dda duulista rayidka soomaaliyeed Axmed Macalin oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in diyaaradda oo ka kacday garoonka Aadan Cabdulle ay ku socotay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Waxaa uu intaa ku daray in wax yar uun ka dib markii ay ka kacday garoonka ay duuliyayaasha diyaaradda soo sheegeen in cilad qabsatay, dibna uga soo laabanayaan garoonka. Diyaaradda ayaa markii ay cagaha dhigatay dhabbaha diyaaraduhu ku ordaan ka baxday dhabbaha kadibna ku…

Read More

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde. Ugu horreyn Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa sii amba qaaday ka doodista cutubka Afaraad ee dastuurka Kmg ah gaar ahaan wax ka baddal kooban oo ku saabsan qodobada 49-aad, 50,aad iyo 54-aad, waxaana Xildhibaanada labada Aqal oo…

Read More